Baaritaanka Fayo qabka Ilmaha: Dhallaanka cusub
Baaritaanka ugu horeeyo ee ilmahaaga wuxuu badanaa ku dhacayaa 1 todobaad gudahood ee dhalashada. Booqashada dhallaanka cusub, adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ayaa baarayo ilmahaaga. Waxay kugu weydiinayaan guriga su'aalo ku saabsan dhowrka maalmood ee ugu horeeyo. Xaashidan waxay qeexeysaa qaar ka mid ah waxa aad filan kartid.
Cagaarshowga
Ilmaha badanaa waxay leeyihiin marqaar jaalaha qaar iyo qeybta cad ee indhaha (cagaarshow) oo todobaadka koowaad ee nolosha. Adeeg bixiyaha daryeelka ilmahaaga ayaa kaala talinayo haddii aad u baahato in la baaro heerka walxaha jaalaha. Sidoo kale way kula talinayaan haddii ilmahaaga u baahanyahay baaritaanka dabagalka. Ama haddii ay ugu baahanyihiin daaynta sawir ku daawaynta..
Koriinka iyo xadadka
Adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ayaa ku weydiinayo su'aalo ku saabsan dhalaanka cusub. Waxay eegi doonaan ilmahaagasi ay u helaan fikirka koriinkooda. Booqashadan, dhallaankaaga cusub wuxuu badanaa sameeyaa qaar ka mid ah kuwa soo socda:
-
Ilbiriqsi iftiinka nalka
-
Isku day inaad kor u qaadid madaxooda
-
Dhadhaqaaji oo wareeji (garab iyo lug walba waa inaad ku dhaqaajisaa qiyaastii isla cadadka, laakiin haddii ilmaha doorbido hal dhinac, u sheeg dhaqtarka daryeelka caafimaadka)
-
Argagaxdid markii aad maqashid qeylo dheer
Talooyinka quudinta

Caadi ayay u tahay dhalaanka cusub inuu lumiyo illaa 10% ee culeyska dhalashadooda inta lagu jiro todobaadka koowaad. Tan ayaa badanaa dib loogu helaa qiyaastii da'da 2 todobaad. Haddii aad ka walaacsantahay culeyska dhallaankaaga cusub, u sheeg adeeg bixiyaha. Si aad ugu caawisid in ilmahaaga si fiican u cunaan, raac tallaabooyinkan:
-
Naasnuujinta oo ugu yaraan 6 bilood ee ugu horeyso.
-
Ha siinin ilmaha biyo illaamaa dhaqtarkooda ku talliyay mooyaane.
-
Quudi ugu yaraan 2 illaa 3 saac ee walba inta lagu jiro maalinka. Waxaad u baahan kartaa inaad u kicisid ilmahaaga quudimahan.
-
Quudi 3 illaa 4 saacadood habeenkii. Marka koowaad, u kici ilmahaaga quudimada haddii loo baahdo. Markii dhallaankaaga cusub ku soo laabtaan culeyska dhalashadooda, waxaad dooran kartaa inay seexdaan illaa ay ka gaajoodaan. Kala hadal midan adeeg bixiyaha ilmahaaga.
-
Weydii adeeg bixiyaha haddii ilmahaaga ay tahay inuu qaato fitamiin D.
Haddii aad naasnuujisid
-
Markii ay caanahaaga soo galaan, naasnuujintaada waa inay dareentaa buuxsanaan quudinta ka hor iyo jilecsanaan iyo yaraansho kadib. Tan ayaa badanaa ka dhigan in ilmahaaga uu helayo wax ku fillan ee uu cuno.
-
Kulamada naasnuujinta ayaa badanaa qaata 15 illaa 20 daqiiqo. Haddii aad ka quudisid ilmaha caanaha naaska dhalada, sii 1 illaa 3 waqiyadood quudin walba.
-
Ilmaha la naasnuujiyo waxay rabi karaan inay cunnaan wax ka badan 2 illaa 3 saacadood. Waa Sax in la quudiyo ilmahaaga badanaa haddii ay u muuqdaan inay baahanyihiin. La hadal adeeg bixiyahaaga haddii aad ka walaacsantahay caadooyinka ama culeyska naasnuujinta ilmahaaga.
-
Waxay qaadan kartaa waqti yar in la helo qabsiga naasnuujinta. Waxay noqon kartaa raaxo la'aan marka hore. Haddii aad qabtid su'aalo ama aad caawimo u baahantahay, la talinta nuujinta ayaa ku siin karo tallooyin.
Haddii aad isticmaashid caanaha gasaca
-
Isticmaal caanaha gasaca ee loo sameeyay dhallaanka. Haddii aad u baahantahay caawimada doorashada, waydii talo adeeg bixiyaha. Caanaha lo'da joogtada ah ma ahan cunto ku haboon ilmaha dhalaanka cusub.
-
Quudi qiyaastii 1 illaa 3 waqiyadood oo caanaha gasaca ah quudin walba.
Talooyinka nadaafadda
-
Dhallaanka qaar ee cusub waxay saxaroodaan quudin walba kadib. Kuwa kale ayaa si ka yar sameeyo badanaa. Labaduba waa caadi. Badel xafaayada marwalboo ay qoyantahay ama wasaqeysantahay.
-
Caadi ayay u tahay saxarada dhallaanka cusub inay jaale noqoto, biyo ah, oo u eg sida inay ku jiraan miro yar. Midibka wuu ka duwanaan karaa mastarka jaalaha ah, illaa casaan jaale ah, illaa cagaar. Haddii ay tahay midibka kale, u sheeg adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka.
-
Wiilka waa inuu lahaadaa qulqul xoogan markuu kaadiyo. Haddii wiilkaaga uusan, u sheeg dhaqtarka caafimaadka.
-
Sii ilmahaaga isboonshiga qubeyska illaa uu ka dhaco xudunta. Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan daryeelida xudun, weydii adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga.
-
Raac tallada adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ee ku saabsan sida loo daryeelo xudunta. Daryeelkan waxaa ka mid noqon karo:
-
Ku haynta aaga nadiif iyo qaleel
-
Isku duubida dusha xafaayada si aad u tustid xudunta hawada
-
Ugu nadiifinta xudunta si tartiib ah tirtiraha ilmaha ama istiraashada dharka ah ee gashan alkulada marinta
-
Soo wac adeeg bixiyahaaga caafimaadka haddii aaga xudunta uu leeyahay malax iyo gaduudasho.
-
Kadib markii ay dhacdo xudunta, u qubeey ilmahaaga dhowr jeer todobaadkii. Waxaad qubeyn kartaa marar badan haddii ilmaha u muuqdo inuu jacelyahay. Laakiin sababtoo ah waxaad nadiifineysaa ilmaha inta lagu jiro badelada xafaayada, qubeyska maalinlaha ayaanan badanaa loo baahneyn.
-
Waa Sax in la isticmaalo kareemada qafiifka ah (hypoallergenic) ama kareemada maqaarka ilmaha. Ha marin kareem gacmaha ilmaha.
Talooyinka hurdada
Dhallaanka cusub waxay caadi ahaan seexdaan qiyaastii 18 illaa 20 saacadood maalin walba. Si aad uga caawisid dhallaankaaga cusub inuu si badqab ah oo dagan u seexdo iyo ka hortaga SIDS (cudurka dhimashada ilmaha lama filaanka ah):
-
U dhig ilmaha dhabarkooda oo dhammaan hurdada illaa ay ka gaaraan 1 sanno jir. Tan ayaa yareyn karto halista SIDS, neefsashada, iyo margashada. Marnaba ha ku seexin ilmaha dhinacooda ama caloosha si uu u hurdo ama u nasto. Haddii ilmaha uu soo kaco, sii waqti u seexinta calooshooda ah, haddiiba uu qof la joogo. Tan ayaa waxay ka caawisaa canuga inuu dhiso calool xoogan iyo murqaha qoorta. Tan ayaa sidoo kale waxay caawisaa yareynta madax balaarashada. Taasna waxay dhici kartaa markii ilmaha waqti badan ku isticmaaleen dhabarkooda.
-
Sii ilmaha ibta caaga oo hurdada ama nasashada. Haddii canuga uu naasnuujinayo, ha siinin ilmaha ibta caaga ah illaa quudinta si fiican loo sameeyo. Quudinta waxay ku xirantahay halis yaraato oo SIDS.
-
Isticmaal joodari adag (oo ku daboolan xaanshida go' si giijisan ugu dhagan) si looga hortago meelaha banaan ee u dhaxeeyo joodariga iyo dhinacyada xoolka, deyrka ciyaarta, ama sarriirta ilmaha. Tan waxay yareyn kartaa halista dabinka, caburka, iyo SIDS.
-
Ha gelin barkin, bustayaal culus, ama xayawaanada gufeysan gudaha xoolka. Kuwani waxay neefta ka xidhi karaan ilmaha.
-
Duubida ilmaha (u duubida ilmaha si giijisan) ayaa ku sababi karto ilmahaaga inay aad u kululaadaan. Ha u ogolaan in canugaaga aad u kululaado.
-
Ha u saarin ilmaha korsiga ama kursiga meel gacmaha la saaro leh hurdo ahaan ah. Ku seexashada kuraasta ama garabka kuraasta waxay gelisaa ilmaha halis badan oo dhimasho, oo ay ku jiraan SIDS.
-
Ha u isticmaalin kuraasta ilmaha, kuraasta baabuurta, iyo diifowga ilmaha hurdada joogtada ah iyo nasashada maalinlaha. Kuwaan waxay u horseedi karaan xannibaada hawo mareenka ilmaha ama caburka ka xidhida hawada.
-
Hala wadaagin sarriirta (la jiifadka) ilmahaaga. Badqab ma ahan.
-
Machadka Dhaqaatiirta Ameerikaanka ah (AAP) ayaa ku talinayo in ilmaha ku seexdaan isla qolka sida waalidkooda, u dhow sarriirta waaladiintooda, laakiin sarriir gooni ka ah ama sarriirta ilmaha ee ilmaha ku haboon. Diyaarintan hurdada ayaa si fiican loogu talinayaa sannadka koowaad ee ilmaha, laaakin waa in ugu yaraan la joogteeyaa 6 bilood.
-
Marwalba dhig xoolka ilmaha, sariirta yar ee ilmaha, iyo daarada ciyaarta oo aagaga aan qataraha laheyn—kuwa aan laheyn xargo laalaado, fiilooyin, ama daboolada daaqada—si ay uga caawiso yareynta ceejinta.
-
Ha isticmaalin qalabka lasocodka neefta wadnaha iyo aaaldaha ganacsiga—godadka, qalabka shay dhaqaajinta—ama furaashyada gaar ah si ay uga caawiyaan yareynta qatarta SIDS iyo dhimashooyinka ilmaha la xiriirta hurdada. Aaladahaan maysan muujin inay ka hortagan SIDS. Xaaladaha qaarkood, waxay ku sababtay dhimashada ilmaha.
-
Kala hadal arimahaan iyo arimaha kale ee caafimaadka iyo badqabka la xiriiro adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ilmahaaga.
Talooyinka badqabka
-
Si looga hortago gubashooyinka, haku qaadina ama haku cabina biyo kulul, sida kafeega, meel ilmaha u dhow. Ku gaabi kululeeyaha biyaha heerkulka 120°F (49°C) ama ka hoose.
-
Haku sigaar cabin ama ha u oggolaan dadka kale inay ku ag sigaar cabaan ilmaha. Haddii adiga iyo xubnaha kale ee qoyska aad sigaar cabtaan, sidaas ku sameeyo banaanka ama marnaba haku ag cabina ilmaha.
-
Caadi ahaan way fiicantahay in laga saaro dhallaanka cusub guriga. Laakiin ka fogeey meel xiran, meelaha dadka badan halkaasoo uu jeermiska ku faafi karo. Waxaad ku casuumi kartaa martida gurigaaga si aad u aragtid in ilmahaaga, haddiiba aysan jiraneyn.
-
Goorma ayaad dibada geyneysaa ilmaha, waqti dheer ha joogin qoraxda tooska ah. Ilmaha ha daboolnaado ama hadh raadso.
-
Gudaha gaariga, marwalba saar ilmaha kursi xaga dambe ee gaadhiga ku jeeda. Tan waa in lagu illaaliyaa kursiga dambe, sida waafaqsan jiheynada korsiga gaariga. Marnaba ha uga tagin ilmahaaga kaligood gaariga.
-
Ha uga tagin ilmahaaga oogo sareyso, sida miiska, sarriirta, ama kursi buush ah. Way dhici karaan oo way dhaawacmi karaan.
-
Walaalaha weyn waxay u badan tahayinay inay doonayaan inay qabtaan, la ciyaaraan, oo bartaan ilmaha. Tan way fiicantahay haddiiba qof weyn uu la joogo.
-
Soo wac adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka islamarkiiba haddii ilmahaaga uu qandho qabo (ka fiiri Qandhada iyo carruurta, hoos)
Qandhada iyo carruurta
Isticmaal heerkulbeega dhijitaalka ah si aad u hubisid heerkulka canugaaga. Ha isticmaalin heerkulbeega meerkuriga ah. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo isticmaalada heerkubeega dhijitaalka ah. Waxaa ka mid ah:
-
Malawadka. Wixii carruurta ka yar 3 sano, heerkulka malawadka ayaa ugu saxsan.
-
Madaxa hore (ku meelgaar ah). Tan waxay u shaqeysaa carruurta da'dooda ah 3 bilood iyo ka weyn. Haddii canug uu ka yaryahay 3 bilood oo uu leeyahay aastaamaha jirada, tan waxaa la isticmaali karaa marka koowaad. Adeeg bixiyaha waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu xaqiijiyo heerkulka malawdka.
-
Dhagaha (durbanka dhagaha). Heerkulka dhagaha way saxanyihiin 6 bilood da'da ah kadib, laakin ma ahan ka hor.
-
Kilkisha (shaqfasho). Tan waa mida ugu yar ee lagu xisaabtamo laakiin waxaa loo isticmaali karaa wajiga koowaad si loo hubiyo canug da' walba ah oo leh aastaamaha jirooyinka. Adeeg bixiyaha waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu xaqiijiyo heerkulka malawdka.
-
Afka (af). Ha u isticmaalin heerkulbeega afka canugaaga illaa ka gaaraan ugu yaraan 4 sanno jir.
Ku isticmaal heerkulbeega malawadka si leh daryeel. U raac tilmaamaha alaab sameeyayaasha isticmaalka saxda ah. Si tartiib ah u geli. Calaamadee oo hubso inaan loo isticmaalin afka. Waxay u gudbin karaan jeermisyo ka yimid saxarada. Haddii aadan dareemin fiicnaan markaad isticmaaleysid heerkulbeega malawadka, weydii adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaad nooca la isticmaalo badelkeeda. Markii aad ka la hadashid adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka wax ku saabsan qandhada canugaaga, u sheeg nooca aad isticmaashay.
Hoos waa markii la wacayo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka haddii canugaaga uu qabo qandho. Adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga ayaa ku siin karo lambaro kala duwan. Raac tilmaamahooda.
Goorta laga wacayo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka qandhada canugaaga
Wixii ilmaha ka yar 3 bilood jir:
-
Marka koowaad, weydii adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga sida aheyd inaad u qaadid heerkulka.
-
Malawadka iyo madaxa hore: 100.4°F (38°C) ama ka sareeyo
-
Kilkisha: 99°F (37.2°C) ama ka sareeyo
-
Qandhada ___________sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha
Wixii canuga da'da 3 bilood illaa 36 bilood (3 sanno):
-
Malawadka ama madaxa kore: 102°F (38.9°C) ama ka sareeyo
-
Dhagta (kaliya loo isticmaalo da'da ka weyn 6 bilood): 102°F (38.9°C) ama ka sareeyo
-
Qandhada ee ___________ sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha
Xaaladahan dartood:
-
Heerkulka kilkisha oo 103°F (39.4°C) ama ka sareeyo oo canuga da' walba ah
-
Heerkulka 104°F (40°C) ama ka sareeyo oo canuga da' walba ah
-
Qandhada ee ___________ sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha
Tallaallada
Sida ku saleysan tallooyinka ka imaanayo CDC, booqashadan, ilmahaaga wuxuu qaadan karaa tallaalka cagarshowga B haddii aysan horay u helin isbitaal. Ilmahaaga waxaa laga yaabaa inuu qaato tallaalka ilmaha oo wato difaaca jirka ee Fayraska Neefsashada (RSV). Waxaa loo yaqaan nirsevimab. Weydii adeeg bixiyaha ilmahaaga tallaaladee ayaa loogu talliyay booqashadaan.
Daalka waalidnamada
Daryeelida dhallaanka cusub ayaa jir ahaan iyo dareen ahaan dhacdooyinka dareeraya. Hadda, waxay u muuqan kartaa inaad u haysid wax aan u aheyn waqtiga. Laakin inaad si fiican u daryeeshid naftaada waxay kaa caawineysaa daryeelida ilmahaaga, sidoo kale. Halkan waa tallooyinka qaar:
-
Naso. Markii ilmahaaga uu jiifo, waqti yar ku qaado naftadaada. U yara seexo hurdo yar ama kor saar cagtaada oo naso. Ogow marka lagu dhaho “maya” booqdayaasha. Illaa aad ka dareentid nasaho, iska dhaaf is dhexyaalka guriga oo meel iska dhig shaqooyinka aan shaqada aheyn. Waqti sii naftaada aad ku xalisid doorkaaga cusub waalid ahaan.
-
Si caafimaad leh wax u cun. Nafaqo fiican ayaa ku siineysa tamar. Iyo haddii aad hadda dhashay, cunis caafimaadan ayaa ka caawiso inuu jirkaaga soo kabto. Isku day inaad cuntid miro kala duwan, qudaaro, badar, iyo illaha borotiinka. Ka fogow cuntooyinka “wadooyinka”. Oo iska yareey kafeega, gaar ahaan haddii aad naas nuujinaysid. Qoyonaw adoo cabayo biyo badan.
-
Aqbal caawinta. Daryeelida ilmaha cusub waxay noqon kartaa buux dhaaf. Haka cabsan inaad weydiisid dadka kale caawin. U ogolow qoyska iyo saaxibada inay ka caawiyaan shaqada qoyska, cuntooyinka, iyo dhar dhaqida, si markaas adiga iyo lamaanahaaga aad u heshaan waqti aad ugu xirantaan ilmahaaga cusub. Haddii aad u baahantahay caawin badan, kala hadal adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka wax ku saabsan dooqyada kale.
Baaritaanka soo socda ee: _______________________________
QORAALADA WAALIDKA: