Aastaamaha raaxo la'aanta sabab la xiriirto uurka oo ay ku kala duwantahay qof ku qof. Hoos waxaa ah qaar raaxo la'aanta caadiga ah. Laakiin waalid walba oo noqonayo waalid waxay yeelan karaan aastaamo kala duwan ama aastaamo la'aan gabi ahaanba:
-
Lalabada iyo mataga. Qiyaastii kala bar dadka uurka ah waxay leeyihiin lalabo iyo mararka qaar matag sadexda bilood ee ugu horeyso. Tan ayaa sidoo kale loo yaqanaa walaca subixii. Taas sababta oo ah aastaamaha ayaa badanaa ugu daran subixii. Dadka qaar waxay yeelan karaan lalabo iyo matag inta uurka lagu jiro. Walaca subixii waxaa sabab u noqon karo isbadelada heerarka hoormoonka inta uurka lagu jiro.
Walaca subixii ayaa u muuqdo inuu uga sii darsiiyo walwalka, safarida, iyo cuntooyinka qaar, sida basbaaska iyo cuntooyinka dufanta. Cunista cuntooyinka yar dhoor jeer maalinkii ayaa ka caawin karto yareynta aastaamaha. Cuntada ku badan borotiinka iyo kaarboonka adag (sida rootiga qamadiga, baastada, mooska, iyo cagaarka, qudaarta caleenta leh) ayaa sidoo kale ka caawin karto darnaanshaha lalabada.
Haddii matagida ay darantahay, oo kugu sababeyso inaad lumiso dhacaanka iyo miisaanka, waxay aastaan u noqon kartaa xaalad loo yaqaano mataga joogtada ah. Mataga joogtada ah wuxuu keeni karaa fuuqbax oo wuxuu u baahan karaa isbitaal jiifin si loo siyo dareeraha xididka iyo nafaqada. Soo wac daryeel bixiyahaaga caafimaadka ama umulisadaada haddii aad qabtid lalabo joogta ah ama daran iyo matag.
-
Daalka. Maadaama uu jirka shaqeynayo waqti dheeraad ah aad ku siisid jawi nafaqo uleh uurjiifka, la yaab ma ahan in qofka uurka ah badanaa dareemo daal. Sadexda bilood ee ugu horeyso, qiyamka dhiigooda iyo dareeraha kale way kordhaan sida jirkooda ugu saxmayo uurka. Mararka qaar dhiig yaraanta waa sabab keento daalka. Dhiig yaraanta waa hoos u dhaca awooda unugyada dhiiga cas ee qaado oksijiinta. Badanaa waxaa sabab u ah heerarka birta hooseeyo. Baaritaanka dhiiga fudud ee lagu sameeyo booqashada waalidka waxay ka hubin doontaa dhiigyarida.
-
Baabasiirka. Baabasiirka caadi ayuu ka yahay dabayaaqada dambe ee uurka. Taasi waxaa sabab u ah cadaadiska kordha ee futada iyo agagaarka futada, qiyamka dhiiga kordha, iyo suurtogalnimada kordhay oo noqoneyso calool fadhiga marka uurku uu sii korayo. Ka hortaga calool fadhiga iyo cadaadiska ayaa ka caawin karto ka hortaga baabsiirka. Marwalba la hubso bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama umilisada ka hor intaadan isticmaalin wax daawo ah oo lagu daaweeyo xaaladaan.
-
Xididada oo bararo. Xididada oo bararo—bararo, xididada babalka—ayaa ku badan lugaha iyo agagaarka afka farjiga inta lagu jiro dabayaaqada uurka. Xaaladaha ugu badan, xididada oo bararo waxaa keeno cadaadiska kordha ee lugaha iyo xididka miskaha. Waxaa sidoo kale keeno qiyamka dhiiga ee kordho.
-
Lab jeexa iyo dheefshiidxumada. Lab jeexa iyo dheefshiidxumada waxaa keeno cadaadiska mandhaciirka iyo caloosha (taasoo, badelkeeda, dib ugu riixdo dhuunta waxa caloosha ku jira). Waxaa looga hortagi karaa ama lagu yareyn karaa iyadoo la cunayo cuntooyin yar maalinkoo dhan iyo iyadoon la seexaneyn markii cuntada la cuno kadib.
-
Goosaha oo dhiigbaxo. Goosaha waxay noqon karaan kuwa aad unugul maadaama uu qulqulka dhiiga kordho inta lagu jiro uurka. Tani waxay ku sababtaa inay si fudud u dhiig baxaan. Qofka uurka ah waa inay sii wadaa inay daryeesho ilkaheeda iyo goosaha oo ay u aadaa dhaqtarka ilkaha baaritaan joogta ah. Aastaantaan ayaa caadi ahaan baaba'do uurka kadib.
-
Ku walacida cuntada. Ku walacida waa rabitaanka naadir ah aad ku cuneysid walxo aan aheyn cunto, sida wasaqda, dhoobada, ama dhuxusha. Rabitaanka waxay aastaan u noqon kartaa nafaqo yaraanshaha.
-
Bararka iyo dhacaan ceshadka. Bararka dhexdhaadka ah waa caadi inta lagu jiro uurka. Laakiin bararka daran oo socdo wuxuu aastaan u noqon karaa cadaadiska dhiiga (xaalad aan caadi aheyn ee ku aasteysan dhiig karka oo sareeyo). Ku jiifashada dhinaca bidix, sare u qaadida lugaha, iyo xerashada faashada taageerada iyo kabo raaxo leh ayaa ka caawin karto nasinta bararida. Hubso inaad soo ogeysiisid bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama umulisada wax ku saabsan bararka lama fillaanka ah, gaar ahaan gacmaha ama wajiga, ama korodhka miisaan degdeg ah.
-
Isbadelada maqaarka. Sababtoo ah isbadelada ku yimaada heerarka hoormoonka, oo ay ku jiraan hoormoonada kiciya midibka maqaarka, baroonka, baraha maqaarka ayaa ku dhici kara wajiga, madaxa hore, ama dhabnaha. Tan ayaa badanaa loo yaqaanaa maaskaraha uurka, ama cudurka midibka maqaarka. Badanaa si dhaqso ah ayuu ku baaba'aa dhalmada kadib. Isticmaalida kareemka qoraxda markii aad dibada joogtid waxay yareyn kartaa cadadka madoobaadka dhaco.
Midibka maqaarka ayaa sidoo kale ku kordhi karo maqaarka ku haraareysan ibta naasaha, ee loo yaqaan faruuryaha naasaha. Leen madow ayaa sidoo kale ka soo baxo hoosta bartamaha caloosha. Xuubab ayaa laga yaabaa inay madoobaadaan, iyo burooyin ay kasoo baxaan.
-
Calaamadaha diilamada. Calaamadaha diilamada baxa binkiga ah ayaa ka soo bixi karo caloosha, naasaha, bowdooyinka, ama birada. Calaamadaha diilamada ayaa guud ahaan sababo korodhka degdega ah ee culeyska. Calaamadaha ayaa caadi ahaan baaba'o uurka kadib.
-
Caabuqyada xuubta. Sabab la xiriirto isbadelada hoormoonka iyo dhacaanka farjiga oo kordho, sidoo kale loo yaqaano dhacaanka farjiga, qofka uurka ah aad ayuu ugu nugul yahay caabuqyada xuubta. Caabuqyada xuubta wuxuu keenaa dhacaan adag, cadaan ah oo ka imaado farjiga iyo cuncun. Caabuqyada xuubta aad ayaa loo daaweyn karaa. Marwalba kala hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama umulisada ka hor intaadan u qaadan wax daawooyin ah xaaladaan.
-
San caburka iyo sanka dhiigo. Inta lagu jiro uurka, leenka marinka neefta waxay heshaa dhiig badan, badanaa taasoo ka dhigeyso mid aad u ciriiri ah. Caburkaan ayaa sidoo kale ku sababi karo sanka oo xidhma ama dhiigbaxyada sanka. Xidido yar oo dhiiga ah oo ku jiro sanka ayaa sidoo kale si fudud u dhaawacmo sabab la xiriirto qiyamka dhiiga kordho, taasoo keento dhiigbaxa sanka.
-
Calool fadhiga. Cadaadiska kordho ee uurka ee futada iyo mandhaciirka waxay carqaladeyn kartaa dheefshiidka iyo socodka saxarada. Isbadelada hoormoonka ayaa sidoo kale gaabin karo in cuntada uu jirka galo. Kordhinta biyaha la cabo, jimicsiga joogtada ah, iyo kordhinta tuxubyada cuntadaada ayaa ah qaabab qaar ee looga hortago calool fadhiga. Marwalba la hubso bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama umulisada ka hor intaadan u qaadan wax daawooyin ah xaaladaan.
-
Dhabar xanuunka. Maadaama culeyska qofka kordhayo, dheelitirkooda wuu isbadelaa. Bartamahooda cufnaanta ayaa horay u jiidanto, taasoo adkeyneyso dhabarka. Kala baxyada miskaha ee bilaabo inuu dabco oo diyaarinta dhalashada canuga ayaa sidoo kale qeyb ka qaadata dhabar xanuunkaan. Boos saxan iyo qaab is qaadista saxan inta lagu jiro uurka ayaa ka caawin karto yareynta xanuunka dhabarka.
-
Dawaqsanaanta. Dawaqsanaanta inta lagu jiro uurka waa aastaan caadi ah. Waxaa sababi karo:
-
Cadaadiska dhiiga hoose sabab la xiriirto ilmo galeenka oo cadaadiyo xididada weyn ee dhiiga
-
Sonkorta dhiiga oo hooseeysa
-
Macdan hooseysa
-
Si dhaqso ah uga dhaqaaqida booska fadhiga una dhaqaaqida booska joogsiga
-
Fuuqbaxa
Si looga hortago dhaawaca dhacitaanka inta lagu jiro qeybaha dawaqsanaanta, qofka uurka ah waa inuu si tartiib ah u joogsadaa oo qabsadaa darbiyada iyo qabsiyada kale ee dhismaha si ay ugu hesho taageero iyo isku dheelitir.
-
Madax xanuun. Isbadelada hoormoonka ayaa noqon karo sababta madax xanuunka inta lagu jiro uurka, gaar ahaan inta lagu jiro sadexda bilood ee ugu horeyso. Qaadashada nasasho, nafaqo saxan, iyo biyo ku fillan ayaa ka caawin karto nasinta aastaamaha madax xanuunka. Marwalba kala hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama umulisada ka hor intaadan u qaadan wax daawooyin ah xaaladaan. Haddii aad qabtid madax xanuun daran ama madax xanuun aanan bogsoon, soo wac bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Waxay aastaan u noqon kartaa cadaadiska dhiig karka sareeyo.