Search Results
Search Clinical Content Search Health Library
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Baaritaanka Fayo qabka Canuga: 11 illaa 13 Sanno jir

U dhaxeyso da'aha 11 iyo 13, canugaaga wuu korayaa oo wax badan ayuu isbadelayaa. Waa muhiim inaad joogteysid inaad yeelatid baaritaano sannadle ah si markaas adeeg daryeelka caafimaadka u raadraaco hormarkan. Markii canugaaga galayo qangaarnimada, aad ayay uga xishoodaan inay baaritaanka qaataan. U xaqiiji canugaaga in baaritaanka uu caadi yahay ama muhiim yahay. Ka feejignow in adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka uu ku weydiin kara inaad la hadashid canugaaga adoonan baadhitaanka qolka ku jirin.

Arrimaha dugsiga, bulshada, iyo dareenka

Halkan waa mowduucyada qaar ee adiga, canugaaga, iyo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka aad rabi kartaan inaad ka hadashaan muddada booqashadan:

  • Waxqabadka dugsiga. Sidee ayuu canugaaga ku yahay dugsiga? Miyuu layliga guriga dhammeeyaa waqtigeeda? Canugaaga miyuu diyaarsanyahay? Kuwaan waa xirfadaha aad ka caawin kartid. Niyada ku haay hoos u dhaca waxqabadka dugsiga ayaa aastaan u noqon karto dhibaatooyinka kale.

  • Saaxibtinimada. Ma jeceshahay saaxibada canugaaga? Miyay saaxibada caafimaad u muuqdaan? Hubso inaad kala hadasho canugaaga wax ku saabsan cida saaxibadooda ay yihiin iyo sida ay ku wada qaataan waqtigooda. Tan waa da'da markii cadaadiska faca ay bilaabi karto dhibaato.

  • Nolosha guriga. Waa sidee dabeecada canugaaga? Miyay la qabsadaan dadka kale ee qoyska ka tirsan? Miyay ixtiraamaan adiga, dadka weyn, iyo maamulka? Miyuu canugaaga ka qeybqaataa dhacdooyinka qoyska, miyay ka baxaan xubnaha kaloo qoyska?

  • Dabeecadaha halista ah. Ma aha xili hore inaad bilowdid inaad kala hadashid canugaaga wax ku saabsan daroogada, alkulada, sigaar cabista, iyo galmada. Hubso in canugaaga fahamsanyahay in kuwaan aysan aheyn howlaha inay sameeyaan, xataa haddii saaxibada ay yihiin. Ka jawaab su'aalaha canugaaga, oo haka cabsan inaad su'aalo ikhtiyaarkaaga u weydiiso. Hubso in canugaaga garanayo inay marwalba kuugu imaan karaan caawimo. Haddii aadan hubin sida loogu dhawaado mowduucyadan, loogala hadlo adeeg bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka wixii tallo ah.

  • Caafimaadka dareenka. Khabiiro ayaa ku taliyay baarista carruurta da'da 8 illaa 18 walbahaarka. Waxay sidoo kale ku taliyeen baaritaanka walbahaarka carruurta ku jiro da'aha 12 illaa 18 sanno. Adeeg bixiyah daryeelka caafimaadka canugaaga ayaa kugula talin karo baaritaano kale sida loogu baahdo. Kala hadal adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga haddii aad walaacyo ka qabtid sida canugaaga ula qabsanayo.

Gelitaanka qaangaarnimada

Qaangaarnimada waa xaalada markii canug uu bilaabo inuu galmo ahaan ugu hormaro qof weyn. Waxay caadi ahaan ku bilaabataa inta u dhaxeyso 9 iyo 14 oo gabdhaha, iyo inta u dhaxaysa 12 iyo 16 oo wiilasha ah. Halkan waa qaar ka mid ah waxa aad fillan kartid markii ay qaangaarnimada bilaabato:

  • Finanka iyo urta jirka. Hormoonada kordhaa muddada qaangaarnimada waxaa iman karo finan (finan) wajiga iyo jirka ah. Hormoonada ayaa sidoo kale kordhin kara dhididka iyo sababida urta jirka xoogan. Da'daan markuu gaaro, canugaaga waa inuu bilaabaa inuu qubeystaa ama meyrtaa maalin walba. Ku dhiirigeli canugaaga inuu isticmaalo carfisada kilkisha iyo walxaha finanka sida loogu baahdo.

  • Isbadelada jirka ee gabdhaha. Qaangaarnimada hore, naasaha ayaa bilowdo inay koraan. Badanaa hal naas ayaa bilaabo koritaanka kan kale ka hor. Tani waa caadi. Timo ayaa bilowdo inay ka soo baxaan banaanka jirka, garbaha hoostooda, iyo lugaha. Qiyaastii 2 sanno kadib markii naasaha bilaabaan inay koraan, gabadha waxay bilowdaa dhiiga caadada bil-laha ah (dhiiga xayda). Si ay kaaga caawiso udiyaarinta gabdhahaada isbadelkan, kala hadal caadooyinka, waxay filaneyso, iyo sida loo isticmaalo walxaha dumarka.

  • Isbadelada jirka ee wiilasha. Bilowga qaangaarnimada, xiniinyaha ayaa hoos u dhaca, iyo qooraha ayaa madoobaado oo noqdaa mid dabacsan. Timo ayaa bilaabo inay ka soo baxaan banaanka jirka, garbaha hoostooda, iyo lugaha, xabadka, iyo wajiga. Codka ayaa isbadelo, isagoo yaraanayo oo qoto dheeraanayo. Iyadoo guska oo weynaanayo oo kobco, kacsiyo iyo “riyooyinka qoyaan ah” ayaa bilowdo inay dhacaan. U xaqiiji canugaaga in than ay caadi tahay.

  • Isbadelada dareenka. Iyadoo ay la socdaan badeladan jireed, waxaad badanaa ogaaneysaa badelo shaqsiyada canugaaga ah. Waxaa laga yaabaa inaad ogaatid canugaaga kobcinaya xiisaha shukaansiga oo noqonaya mid “wax ka badan saaxibo” la jooga dadka kale. Sidoo kale, carruur badan ayaa dareen yeesho oo ay ka soo if baxdaa dabeecad ku xeeran qaanqaadhinimada. Tan waxay noqon kartaa mid cadho leh, laakin waa mid caadi u ah. Isku day inaad dulqaad yeelatid oo aad iswaafaqsanaatid. Dhiirigeli wada sheekeysiyo, xattaa markii canugaaga u muuqan inuu rabo inuu hadlo. Dhibaato malahan sida canugaaga u dhaqmo, waxay weli u baahanyihiin waalid.

Tallooyinka nafaqada iyo jimicsiga

Qoys samaynaya cabitaan juus ah.

Maanta, carruurta aad ayay u firfircoon yaryihiin oo waxay cunaan cuntada dufanta oo ka badan sidii hore. Canugaaga wuxuu bilaabayaa inuu sameeyo doorashooyinka wuxu cunno iyo sida loo firfircoonaado. Ma yeelan kartid marwalba go'aanka ugu dambeeyo, laakiin waad ku caawin kartaa canugaaga inuu sameeyo caadooyin caafimaad leh. Halkan waa tallooyinka qaar:

  • Ka caawi canugaaga inuu helo ugu yaraan 60 daqiiqo howl ah maalin walba. Waqtiga waxaa loo kala qeybin karaa maalintoo dhan. Haddii cimilada xuntahay ama aad ka walaacsantahay badbaadada, hel howlaha gudaha la kormeeray. 

  • Xadee “waqtiga shaashada” ee 1 saac maalin walba. Tan ayaa ka mid ah waqtiga lagu isticmaalo daawashada TV, ciyaarista geemamka muuqaalka, iyadoo la isticmaalayo kumbuyuutar, iyo fariin qoraalka. Haddii ilmahaagu uu qolka jiifka ku haysto TV, kombuyuutar, ama ciyaarta fiidiyooga, ka feker ku beddel muusiga. Carruur badan, dheesha iyo heesida ayaa ah qaabab madadaalo ah ee lagu sii socdo.

  • Xadee cabitaanada sonkorta. Soodhada, juuska, iyo cabitaanada ciyaaraha ayaa keeno culeyska cayilka aan caafimaad qabka ahayn iyo ilko bolalka. Biyaha iyo caanaha dufanta yar ama aan dufanta laheyn ayaa wanaagsan in la cabo. Dhexdhexaad ahaan (ma ahn wax ka badan 8 waqiyadood maalin walba), 100% juuska miraha ah waa Saz. U keydi soodhada iyo cabitaanada kale ee sonkorta munaasabado gaarka ah.

  • Wada cuno ugu yaraan 1 cunto qoyska ah maalin walba. Jadwalada mashquulka ah ayaa badanaa xaniba waqtiga fadhiga iyo hadalka. Fadhiga iyo wada cunista waxay u ogolaataa waqtiga qoyska. Waxay sidoo kale ku tustaa waxa iyo sida canugaaga wax u cuno.

  • Dareenka u soo jeedi qeybaha. Sii qeybaha macnaha u leh carruurtaada. Ha joojiyaan cunista markii dharagsan yihiin—ha u dirin inay nadiifiyaan bilaydhadooda. Ka feejignow in carruur badan uu kordho cunistooda muddada qaangaarnimada. Haddii canugaaga weli baahanyahay cuntada kadib, sii ilbiriqsiyo qudaar ah ama miro ah.

  • Sii ama ku dhiirigeli cuntooyin caafimaad leh. Canugaaga wuxuu u iskiisa u gaaraa go'aano badan oo cuntada ah. Cuntooyinkoo dhan waxay meel ku leeyihiin cuntada la dheelitiray. Miraha, qudaarta, hilbaha jiidhka, iyo qamadiga waa in la cunnaa maalin walba. Keydi cuntooyin caafimaad leh oo yar—sida baradhada la dubo, nanaca, iyo jibsiga—dhacdada gaarka ah. Markii canugaaga tan sameeyo dooro inaad cuntid cuntada dufanta leh, ka feker inuu canuga ku soo gato lacagtiisa. Weydii canugaaga inuu kuu sheego markii ay iibsadaan cuntada dufanta ;eh ama uga badesho cuntada saaxibada.

  • U keen canugaaga dhaqtarka ilkaha ugu yaraan labo jeer sannadkiiba oo ilko nadiifin iyo baaris ah.

Talooyinka hurdada

Da'daan, canugaaga wuxuu u baahanyahay qiyaastii 10 saacadood hurdo ah habeen walba. Halkan waa tallooyinka qaar:

  • Daji waqtiga jiifka sariirta oo hubi inuu canugaaga raaco habeen walbo.

  • TV-ga, kumbuyuutarka, iyo geemamka muuqaalka ayaa ku kicin karo canug oo ku adkeyn karo is dajinta habeenka. Dami ugu yaraan saacad ka hor sariirta ka hor. Badelkeeda, ku dhiirigeli canugaaga inuu wax akhriyo jiifka ka hor.

  • Haddii canugaaga haysto mobeel, hubso in la damiyo habeenkii.

  • Ha u ogolaan in canugaaga seexdo waqti dambe ama seexdo dhammaadyada todobaadyada. Tan waxay carqaladeyn kartaa noocyada hurdada oo waxay adkeyn kartaa jiifka habeenada dugsiga.

  • Xasuusi canugaaga inuu burush ku cadaydo iyo findhicileeyo ilkahooda jiifka ka hor. Si kooban u kormeer daryeelka shaqsiga ilkaha canugaaga haljeer isbuucii si aad u hubisid qaab saxan.

Talooyinka badqabka

Tallooyinka lagu joogteynayo badqabka canugaaga oo ay ku jiraan sida soo socota: 

  • Markii uu fuulo baskiil, iskeetka, ama isticmaalka iskuutarka ama iskeetboodh, canugaaga waa inuu xirtaa koofiyad leh xariga dhuujinta. Markii uu isticmaalayo iskeetka, iskuutar, ama iskeetboodh, sidoo kale waa fikrad fiican in canugaaga xirto illaalada curcurka, faashooyinka xusulada, iyo faashooyinka jilbaha knee pads.

  • Gudaha gaariga, dhammaan carruurta ka yar 13 waa inay fariistaan kursiga gadaal. Carruurta ka gaaban 4'9" (57 injis) waa inay sii joogteeyaan inay isticmaalaan kursiga xoojiyaha si markaas si sax ugu qaabeeyo suunka fadhigooda.

  • Haddii canugaaga haysto mobeel ama qalabka muusiga la qaato, hubi in kuwaan loo isticmaalo si badqab ah oo masuuliyad leh. Ha u ogolaan canugaaga inuu ku hadlo mobeelka, fariin qoraal, ama dhageysiga muusiga sameecadaha dhagaha iyagoo ka xeynayo baskiil ama ku socdo dibada. Xasuusi canugaaga inuu si gaar ah uga feejignaado markii uu wadada goynayo.

  • Muusig dheer oo joogtada ah wuxuu sababi karaa dhaawac maqalka ah, marka la soco dheereynta muusiga canugaaga. Dhageystayaal muusig oo badan ayaa u dajiyo xad sida dhawaq dheer ee codka laga dhigi karo. Ka fiiri tilmaamaha wixii faahfaahin ah.

  • Da'daan markay ku jiraan, carruurta waxay bilaabi karaan inay qaataan khatar halis ku noqon karto caafimaadkooda ama fayo qabkooda. Mararka qaar go'aamada xun waxay ka yimaadaan cadaadiska faca. Waqtiyada kale, carruurta kama fakaraan waxa dhici karo. Bar canugaaga muhiimada go'aan gaarista wanaagsan. Ka hadal wax ku saabsan sida loo aqoonsado cadaadiska faca oo aad ula imaatid xeeladaha lagula qabsado.

  • Isbadelada lama filaanka ah ee dareenka canugaaga, dabeecada, saaxibada, ama howlaha waxay noqon karaan aastaamo digniin ee dhibaatooyinka dugsiga ama dhinacyada kale ee nolosha canugaaga. Haddii aad ogaatid aastaamaha sida kuwaan, la hadalka canugaaga iyo shaqaalaha dugsiga canugaaga. Adeeg bixiyaha daryeel bixiyaha ayaa sidoo kale u suurtogeli karto inuu taloo bixiyo.

Tallaallada

Sida ku saleysan tallooyinka Ururka Dhaqaatiirta Ameerikaanka, booqashadaan canugaaga wuxuu heli karaa tallaalada xiggo:

  • Fayraska nabraha (HPV) (da'da 11 illaa 12)

  • Hargab (samboor), sannadle ah

  • Bakteeriyaha jirooyinka (da'aha 11 illaa 12)

  • Teetano, gawracato, iyo xiiqdheer (da'aha 11 illaa 12)

  • COVID-19

Ku joog dusha sare warbaahinta bulshada

Da'daan dhijitaalka ah, carruurta aad ayay ugu "xiran yihiin" saaxiibada—sida macquulka ah qaarkood weli qof ahaan uma kulmin. Si aad u bartid canugaaga sida loogu isticmaalo warbaahin bulshada si masuuliyad ah:

  • Daji xadadka isticmaalka mobeelada, kumbuyuutarka, iyo intarneetka. Xasuusi canugaaga inaad ka fiirin kartid diiwaanka isticmaalka shabakada internetka iyo diiwaanada mobeelka si aad u ogaatid sida aaladahaan loo isticmaalay. Isticmaal xakameynada waalidka iyo furo sireedyo aad ku xanibtid gelitaanka websaydyada aan ku habooneyn. Isticmaal habeynta gaar ahaanshaha ee websaydyada si markaas kaliya saaxibada canugaaga ay u fiirin karaan bogooda.

  • U faahfaahi canugaaga khatarta ay leedahay inaad ku bixisid warbixinta shaqsiga onleenka. Bar canugaaga inaanu la wadaagin lambarkooda taleefonka, ciwaanka, sawir, ama warbixin kaloo shaqsiyeed saaxibada onleenka iyagoon adiga u ogolaan.

  • Hubi in canugaaga fahamsanyahay in waxyaabaha ay ku “dhahaan” intarneetka marnaba ma sir gaar ah ahayn. Waxyaabaha la soo dhigo websaydyada sida Facebook, TikTok, iyo Instagram ayaa waxaa arki karo dad xataa aan loogu tallogelin. Waxyaabaha la soo dhigo ayaa si fudud si qalad ah loogu fahmi karaa oo waxay kuu keeni karaan dhibaato adiga ama canugaaga. Kormeer isticmaalka canugaaga ee shabakadaha bulshada, qolalka sheekada, iyo iimaylka.

© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.
Powered by Krames by WebMD Ignite
About StayWell | Terms of Use | Privacy Policy | Disclaimer