Search Results
Search Clinical Content Search Health Library
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Cunista Cunto Wadnaha Caafimaad u leh: Adoo isticmaalayo Qorshaha DASH

U cunista wadnahaaga looma baahno inay adkaato ama caajis noqoto. Waxaad u baahantahay kaliya inaad ogaato si loo sameeyo dooqyo caafimaad leh. Qorshaha cunista DASH waxaa loo sameeyay inay ka caawiso inaad sameysid taas kaliya. DASH waxay u taagantahay Hababka Cuntada ee Lagu Joojiyo Dhiig karka. Qorshahan waxaa ka cadeeyay inuu u caafimaad badan yahay wadnahaaga oo yareeyo halista cadaadiska dhiiga sareeya. Waxay sidoo kale kaa caawin kartaa yareynta halistaada kansarka, faaliga, cudurka wadnaha, cudurka lafaha, iyo sonkorowga.

Nin ansalaato ku samaynaya jikada.

Ka doorashada kooxda cunto walba

Ka dooro cuntada koox walboo cuntada hoose maalin walba. Isku day inaad heshid tirada lagu taliyay ee qaadashooyinka koox walboo cuntada ah. Tirada qaadashada waxay ku saleysantahay cunto 2,000 kaloriis maalinkiiba. La hadal adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aadan hubin wax ku saabsan baahiyahaaga koloriiska. Oo ay wehliyaan helida qaadashooyinka saxda ah, qorshaha DASH ayaa sidoo kale kula taliyo wax ka yar 2,300 mg oo cusbo (milix) maalinkiiba. Yareynta qaadashada milixda oo illaa 1,500 mg maalinkiiba waxay yareysaa xataa wax badan cadaadiska dhiiga. (Waxaa jiro qiyaastii 2,300 mg oo milix ah 1 qaado shaah cusbo ah.)

Kooxda cuntada

Cadadka

Dooqyada ugu fiican

Badarka

Qaadashooyinka: 6 Illaa 8 maalinkiiba

Qaadashada waa:

  • 1 jeex rooti ah

  • 1 waqiyad sareen ah

  • Koob bariis oo bariis la kariyay, baasto, ama sareen

Qamadi iyo badar walboo faybarka ku sareeyo

Qudaar

Qaadashada: 4 illaa 5 maalinkii

Qaadashada waa:

  • 1 koob caleenta qudaarta ceyriinka ah

  • Koob barkiis oo gabalo qudaar ceyriin ama karsan

  • Koob barkii oo juuska qudaarta

Qudaar cusub ama barafeysan oo karsan cusbo ama dufan la'aan

Miro

Qaadashada: 4 illaa 5 maalinkii

Qaadashada waa:

  • 1 miro dhexaad ah

  • Koob hal rubac ah oo miro qalalan

  • Koob barkiis oo miro cusub, barafeysan, ama gasaceysan

  • Koob barkii oo juuska miraha 100%

Miro cusub oo kala duwan oo leh midibo kala duwan different colors. Mirooyin iswata ayaa ah dooqyo ka fiican juuska miraha.

Walxaha caanaha laga sameeyo ama dufanta laheyn

Qaadashooyinka: 2 illaa 3 maalinkii

Qaadashada waa:

  • 1 koob caano ah

  • 1 koob yoogad ah

  • Hal waqiyadood iyo bar jiis ah

Yoogadka dufanta laga saaray ama leh caanaha 1%, dufanta yar ama caanaha subaga, iyo jiisaska dufanta ku yar tahay

Hilbaha jiirta, digaaga, kalluunka

Qaadashooyinka: 6 ama ka yar maalinkii

Qaadashada waa:

  • 1 waqiyad hilbaha, digaaga, kalluunka karsan

  • 1 ukun

Digaaga iyo kalluunka jiidhka ah. Ka jar baruurta muuqata. Huuri, dub, shiil, ama karkari badelkii aad dubi laheyd. Ka saar maqaarka digaaga cunista ka hor. Xadeey inta hilib gaduudan ee aad cuntid.

Loosas, miro, digir

Qaadashooyinka: 4 illaa 5 isbuucii

Qaadashada waa:

  • Koob sadex ka meel ah oo loosaska (1.5 waqiyadood)

  • 2 qaado cunto subaga looska ama miraha

  • Koob barkii oo digirta ama misirta lakaraiyay ee qalalan

Loosaska duban ee qalalan oo aanan cusbo lagu darin, misirta, digirta madowda, digirta kuusta, iyo digirta beebeesheeda

Dufanta iyo saliidaha

Qaadashooyinka: 2 illaa 3 maalinkii

Qaadashada waa:

  • 1 qaado shaah saliida qudaarta

  • 1 qaado shaah batar ah

  • 1 qaado cunto mayoonees ah

  • 2 qaado cunto dulsaarka ansalaatada

Saliidaha looska iyo qudaarta (saliidaha aan qudaarta dhirta aheyn), sida saliida olive iyo canola

Nanacyada

Qaadashada: 5 todobaad ama ka yar

Qaadashada waa:

  • 1 qaado cunto sonkor ah, sharoobada dhirta, ama malabka

  • 1 qaado cunto jaam ama jeli ah

  • 1 kala bar waqiyad nanaca digirta (qiyaastii 15)

  • 1 koob liimo ah

Miro qalalan waxay noqon kartaa macaan lagu qanco. Dooro nanacyada dufanta ku yar. Oo daawo cabirada qaadashadaada!

Si aad wax badan uga baratid

Wax badan oo ku saabsan qorshaha cunista DASH, booqo:

Machadka Wadnaha, Sambabada iyo Dhiiga Qaranka ee www.nhlbi.nih.gov/education/dash-eating-plan

© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.
Powered by Krames by WebMD Ignite
About StayWell | Terms of Use | Privacy Policy | Disclaimer