Sonkorowga: Qorshaynta cuntada
Waxaad ka caawin kartaa inaad ku ilaaliso heerka sonkorta dhiiggaaga heerka Isku-kalajirka (ranges) bartilmaameedka ah adoo wax cunaya cunto caafimaad leh. Kooxda daryeelkaaga ayaa kaa caawin kara inaad abuurto qorshe cunto nafaqo leh. Ka qaado door firfircooni maaraynta xanuunka macaanka. Raac qorshahaaga cuntada oo la shaqee kooxdaada daryeelka.

Samee qorshaha cuntadaada
Qorshaha cuntada waxa uu ku siinayaa tilmaamo ku saabsan noocyada iyo cadadka cuntada ay tahay in aad cunto. Ujeedadu waa si la`isugu dheellitiro cuntada iyo insulinta (ama daawooyinka kale ee sonkorowga). Habkaas, sonkorta dhiiggaaga waxay ahaan doontaa heerka Isku-kalajirkaaga bartilmaameedka ah. Cunto-yaqaankaaga ayaa kaa caawin doona inaad samayso qorshe cunto oo aan xadidanayn oo ay ku jiraan cuntooyin badan oo aad jeceshahay. U sheeg cuntoyaqaankaaga haddii aad ku dhibbantahay sin aad si saxan u cunto sababo la xiriira qarashaadka oo yar ama sababo kale dartood.
Lasoco cabbirrada qaadashada
Qorshahaaga cuntada wuxuu u kala saari doonaa cuntooyinka si waafaqsan cabbirrada qaadashada. Si aad u barato inta ay le'eg tahay qaadashadu, ku bilow cabbirida qaybaha cuntada ee cunto kasta. Dhawaan waad garan doontaa sida qadarka hal saami ugu ekaan karo saxankaaga. Weydii kooxdaada daryeelka sida la`isugu dheelli tiro cuntooyinka kala duwan.
Cun cuntooyin ka kala yimid dhammaan kooxaha cuntada.
Aasaaska qorshe cunto caafimaad leh waa cunista cuntooyin badan oo kala duwan. Dooro furuutyo isu dheeli tiran khudaarta aan istaarijka lahayn, digirta, lawska iyo iniinaha, miraha oo dhan, iyo cuntooyinka laga sameeyo caanaha ee dufanku ku aryahahy dufanku ku yaryahay . Xaddid hilibka, cabitaannada sonkorta-macaan, macmacaanka, badarka la sifeeyey, iyo cuntooyinka aadka loo habeeyey. Cunista cuntooyin kala duwan ayaa jidhkaaga siinaysa nafaqooyinkiisa uu u baahanyahay. Waxay kaloo kaa ilaalin kartaa inaad ku caajisto qorshahaaga cunto.
Wax ka oggow karbohaydareedyada, dufanka, iyo borotiinka
-
karbohaydareedyada (carbohydrates). Kuwani waa istaarijyo, sonkor, iyo xushka(fiber). Waxa laga helaa cuntooyin badan. Kuwaas waxaa ka mid ah furuutyada, rootiga, baastada, caanaha, iyo nacnaca. Dhammaan cuntooyinka aad cuntid, karbohaydraytyadu waxay leeyihiin saamaynta ugu badan ee sonkorta dhiigaaga. Cunto-yaqaankaaga ayaa laga yaabaa inuu ku baro xisaabinta karbohaydraytyada. Tani waa hab lagu qiyaaso tirada karbohaydraytyada ee cuntada. Kaarbohaydraytyo caafimaad badan ayuu jirku ogala baxaa si tartiib ah. Wax badan kuma kordhiyaan sonkorta dhiiggaaga.
-
Dufan Kuwaan ayaa leh dufanka ugu badan kalooriyada. Waxay sidoo kale saamaynta ugu badan ku leeyihiin miisaankaaga iyo halista cudur wadnaha ah . Marka aad qabto sonkorow, waxaa muhiim ah in aad xakameeyso miisaankaaga oo aad ilaaliso damacaaga. Cuntooyinka dufanku ku badan yahay waxaa ka mid ah caanaha, farmaajada, cuntooyinka fudud, iyo macmacaanka. Waxaad cuni kartaa in badan oo ka mid ah dufanka caafimaadka wanaagsan ee wadnaha, sida afakaadhada, kaluunka salmon, kaluunka tuna, lawska iyo iniinaha, iyo saliid saytuun.
-
Borotiin. Tani waxay muhiim u tahay dhismaha iyo dayactirka murqaha iyo lafaha. Dooro ilaha borotiinka dufanku ku yar yahay, sida kalluunka, ukunta cad, iyo digaag aan maqaarka lahayn. Waxaa laga yaabaa in lagu tilmaamo inaad miisaanto ama cabbirto ilaha borotiinkaaga .
Iska yaree sonkor dareere ah
Kalooriyada dheeraadka ah ee ka yimaada soodhaha, cabitaannada cayaaraha, iyo cabitaanada khudradda ayaa ka dhigaya mid adag in la ilaaliyo qiyaasta sonkorta dhiigga. Ka jar inta sonkorta dareeraha ah ee qorshahaaga cuntada intii aad awoodid.
Tani waxaa ku jira casiirka khudradda intooda badan. Badana waxaa ku badan sonkorta dabiiciga ah ama sonkorta lagu daray. Taas badalkeeda, cab biyo badan iyo cabitaanno aan sonkor lahayn.
Cun wax yar oo dufan ah
Hadii aad u baahan tahay inaad miisaanka iska dhinto, isku day inaad yarayso xadiga dufanka ee cuntadaada. Tani waxay sidookale kaa caawin kartaa in aad hoos u dhigto heerka kolestaroolkaaga si xididada dhiigaagu u caafimaad qabaan. Iska yaree baruurta adiga oo isticmaalaya kaliya xaddi yar oo saliid dareere ah oo lagu kariyo. Si taxadar leh u akhri calaamadaha cuntada. Ka fogow cuntooyinka ay ku jiraan dufanka aan caafimaadka lahayn.
Cuntadaada si saxan u waqtiyee
Marka la eego xakameynta sonkorta dhiigga, goorta aad cuntid cuntada waxay muhiim u tahay sida waxa aad cuntay. Waxaad u baahnaan kartaa inaad cuntid dhowr cunto oo yar yar oo si siman loogu qeybiyey maalinta oo dhan si aad ugu sii jirto heerka Isku-kalajirka bartilmaameedka ah. Sidaas darteed ha ka boodin quraacda ama ha sugin ilaa goor dambe oo maalinta ah si aad u hesho inta badan kalooriyada. Samaynta sidaas waxay keeni kartaa in sonkorta dhiiggaagu kor u kacdo ama ay hoos u dhacdo.